Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

UNHCR: Afduubku Wuu Saamayn Doonaa Howlaha Gargaarka

23-June-2008
Warysiga afhayeenka UNHCR - Soo rogo (MP3) audio clip
Warysiga afhayeenka UNHCR - Dhegayso (MP3) audio clip

[insert caption here]
UNHCR
Waxaa dib u dhac uu ku yimid howlo dhinaca gargaarka ah oo ay ka faa’idaysaneeyn 40 kun oo qof, kadib markii Sabtidii la afduubay nin si wayn loo yaqaano oo ka tirsan xafiiska UNHCR ee Muqdisho. UNHCR waxa ay sheegtay in Xasan Maxamed Cali uu ahaa qofkii muddada uga dheer ka shaqeeynayay xafiiskeeda Muqdisho iyaga oo ku tilmaamay in uu yahay nin u dhaq-dhaqaaqa arimaha bini’aadanimada iyo xuquuqul insaanka.

Catherine Weibel oo ah af-hayeenka UNHCR ayaa iyada oo Nairobi joogta la hadashay wariye Joe De Capua oo ka tirsan qaybta Ingiriiska ee VOA-da, ayaa sheegtay inayan wax war ka hayn saaxiibkood oo habaynimadii Khamiista isaga oo qoyskiisa la jooga Muqdisho la afduubay.

Afhayeenku waxa ay wariyeheenna u sheegtay in ayan wax fakar ah ka haynin sababta afduubka ka dambaysa iyada oo tilmaantay in dhacdadani ay saamayn ku yeelan doonto howlaha gargaarka ee ay hadda wadaan, sababtoo ah bay tiri in Xasan Maxamed Cali uu mas’uul ka ahaa howlaha gargaar qaybinta ee sida xowliga uga socday Muqdisho iyo degaanada ku meeraysan.

Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga Adduunka ayaa dalbaday in si dagdag ah loo sii daayo ninkaas, inkasta oo ay Catherine Weibel sheegtay in aan wax jawaab ah wali laga hayn, waayo lamaba yaqaan cidda wax afduubtay iyo sababta ay wax u afduubeen toonna.

Waraysiga ay VOA-du la yeelatay Catherine Weible halkaan ka uga bogo.

 

emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Soomaaliland oo Ka Digtay Isdiiwaangalinta Ajaanibta  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
NATO oo Maraakiib u Dirtay Xeebaha Soomaaliya
Puntland oo Howlgal Ciidan Ku Soo Furatay Markab La Afduubay  Audio Clip Available
Maxkamadda Sare oo Ka Hortimid Go'aan Barlamaani ah  Audio Clip Available
Zenawi oo Dhaliilay Hogaanka Soomaaliya  Audio Clip Available
Jen. Cadde: Ma Qabno in Lala Gorgortamo Burcad-badeedda  Audio Clip Available
AMISOM oo La Weeraray Maalinkii Labaad oo Xiriir Ah  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka: Shirka Jabuuti Iyo Soomaaliya  Audio Clip Available
Ciidamada Puntland oo Weeraray Burcad-badeed  Audio Clip Available
Geelle: Cidkasta oo nabad doonaysa hala soo dhaweeyo.  Audio Clip Available
Bo-huko: Dagaalka Muqdisho lug kuma lihin  Audio Clip Available
Xildhibaan Xirsi: AMISOM howl dadka lagu laynayo ayay wadaan.  Audio Clip Available