 |
| Ismail_O_Geele |
Xarunta madaxtooyada ee magaalada Jabuuti ayey maanta kulan ku yeesheen
madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madxaweynaha Jamhuuriyadda la
magacbaxday Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo shalay tagay dalka Jabuuti.
Sida uu noogu soo waramayo Xusen Barre Adan, Md. Ismaaciil Cumar Geelle
ayaa kulankaa kadib qado-howleed u sameeyay wafdiga martida u ahaa, iyada oo ay
ka soo qaybgaleen masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Jabuuti.
Afhayeen wafdiga Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland ayaa
saxaafadda u sheegay in qadadaas looga hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dhinac
iyada oo xoogga la saaray arimaha ay ka midka yihiin nabadgalyada, difaaca,
ganacsiga iyo arimaha bulshada.