Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

Nuur Cadde: Afduubka Samafalayaasha Waa Qayb Ka mida Dhibaatada Dalka


24-June-2008
Warbixinta Colaad - Soo rogo (MP3) audio clip
Warbixinta Colaad - Dhegayso (MP3) audio clip

Nuur Cadde(1)
Nuur Cadde
Sida uu ku soo waramayo wariyaha VOA-da ee magaalada Muqdisho Axmed Xasan Colaad, in kabadan lix qof oo ka tirsan shaqaalaha samafalka ee ka howl-gala Soomaaliya oo isugu jira ajaanib iyo Soomaali ayaa siyaabo kala duwan loogu haystaa meelo ka mida bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.  Waxaa isa soo taraya baaqyo ay soo jeedinayaan dhinacyo kala duwan, kuwaasoo codsanaya in si deg-deg ah loo sii daayo shaqaalahaas afduuban ee ku howlanaa arimaha samafalka.

Ra’iisul-wasaaraha DFKM ee Soomaaliya Md. Nuur Xasan Xuseen oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku dadaalayso siidaynta shaqaalaha hay’adaha gargaarka ee ku jira gacanta afduubayasha, isaga oo falalka caynkaan oo kale ah ku tilmaamay  qayb ka mida dhibaatada dalka ka jirta.

Dhinaca kale, Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadlle) oo ah abwaan si wayn looga yaqaan Muqdisho iyo Soomaaliyaba ayaa ku sheegay falalka afduubka loo gaysanayo shaqaalaha ku howlan arimaha samafalka wax aan shareecada Islaamka ku jirin oo aad looga xumaado.

Warbixin dheer oo ka hadlaysa dareenka dad kala duwan oo ku aaddan xaaladda afduubka ee ka jirta Soomaaliya ka dhagayso halkan.


emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Maamul Islaami Ah Oo Kismaayo Laga Dhisay  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Barnaamijka Martida Makrafoonka  Audio Clip Available
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka  Audio Clip Available
Barnaamijka Caweyska Washington  Audio Clip Available
Amnesty Oo Ka hadashay Burcad-badeedda  Audio Clip Available
Wargaysyada Caalamka Iyo Soomaaliya.  Audio Clip Available
Millatariga Faransiiska Oo Weeraraya Burcad-badeedda
Burcad-badeed Qabsatay Muwaadiniin Faransiis Ah
Al-Shabab Oo Madaxtooyada Weerartay  Audio Clip Available
Soomaali Banaanbax Ka Dhigtay St. Paul, Minnesota.  Audio Clip Available
Xukuumadda Oo Ka Badbaaday Codka Kalsooni-darrada  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka: Barlamaanka Iyo Heshiiskii Addis  Audio Clip Available
Jawhar: Dagaal Ka Dhex Qarxay Isbahaysiga  Audio Clip Available
Barnaamijka Todobaadka Iyo Geeska  Audio Clip Available