![[insert caption here] [insert caption here]](/somali/images/Djibouti1.jpg) |
| Magaalada Jabuuti |
Madaxtooyada Jabuuti waxaa
maanta hehsiis ku kala saxiixday dawladda Jabuuti iyo jamhuuriyadda la
magacbaxday Somaliland. Heshiiskani waxa uu ka dambeeyey waxa sida uu u dhigay
wasiirka warfaafinta Jabuuti Md. Cali Cabdi Faarax isla markaana ahaa madaxa
wafdiga Jabuuti ee wadahadallada “garab
istaag” ay ka heleen mas’uuliyiinta Somaliland xurgufta kala dhaxaysa dalka Eritrea.
Afhayeenka wafdiga
Jamhuuriyadda la magacbaxday Somaliland Cali Cilmi Geelle ayaa sheegay in
heshiiska la gaaray uu taabanayo dhinacyada, dhaqaalaha, siyaasadda, isku
socodka, qaxootiga iyo arimaha ammaanka, gaar ahaan la dagaalanka
argagixisada.
Md. Geelle waxa uu mas’uuliyadda
colaadda ka soo cusboonaatay gobalka uu ku tilmaamay mid aan Eritrea lala
wadaagayn.
Faah-faahin intaa dheer ka
dhagayso warbixinta uu soo diray wariyeheenna Xuseen Barre.