Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

Doorashada Maraykanka: Khibradda Vs Isbaddalka


24-June-2008
Tartanka doorashada Maraykanka - Soo rogo (MP3) audio clip
Tartanka doorashada Maraykanka - Dhegayso (MP3) audio clip

[insert caption here]
Doorashada Maraykanka
Afar bilood oo kaliya ayaa naga xiga tartanka guud ee madaxwaynenimada Maraykanka.  Haseyeeshee tartanka u dhexeeya musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Barack Obama iyo kan Republican-ka ee John McCain ayaa goor horeba u muuqda mid si cad loogu kala dooranayo Isbaddalka iyo Khibradda.  Jim Malone oo VOA-da uga soo waramaha arimaha gudaha Maraykanka ayaa isaga oo jooga Washington, muuqaal guud ka bixinaya doorashadan, waxana soo akhriyay Abdusalam M. Jama.

Mar haddii laga soo jeestay doorashooyinkii hor-dhaca ahaa, Barack Obama waxa uu u soo jeestay tartanka uu kula jiro ninka xisbiga Republicanka ka sharaxan ee John McCain iyo sidii uu ku noqon lahaa madaxwayne madoow oo uu Maraykan yeesho kii ugu horeeyay abid.

Sen. Obaha oo la hadlaya taageerayaashiisa ayaa yiri, waxa jira dad dhex-dhexaad ah iyo kuwo Republican ah oo fahamsan in doorashadani ayan ahayn mid, khuseeysa oo kaliya xisbigii xukumi lahaa Washington, balse ay tahay baahida loo qabo in la badalo dhaqan-siyaasadeedka Washington.

Dhinaca kalese, Sen.  McCain haddii uu ku guulaysto November, waxa uu noqonayaa madaxwaynihii ugu waynaa ee xafiiska fariista xilliga hore ee Madaxwaynenimada.

Isaga oo ka hadlaya khibradda dhiggiisa Obama ayuu Sen. McCain yiri: waan qaddariyaa oo ixtirmaa Sen. Obama.  Haseyeeshee ma laha aqoontii, khibraddii ama go’aan-qaadashadii lagu hoggaamin lahaa qarankan dhex jibaaxaya xilliga aadka u kulul, taasoo aan anigu leeyahay.

Sahamada laga sameeyo doorashada, Obama ayaa dhibco yar xilligan ku hogaaminaya. Xisbiga Dimuqraadiguna waa ay ka fir-fircoon yihiin kan Republican-ka.

Thomas Mann oo ka tirsan mac-hadka Brookings waxa uu leeyahay, welwelka ay qabaan codbixiyayaashu, waxa ay dani ugu jidhaa Obama.

Md. Mann ayaa yiri “Madaxwaynahan aadka u shacbiyadda hooseeya aawadeed, ra’yul caamku waxa si wayn u rumaysan yahay in uu dalku saaran yahay waddo khaldan, dadka waxa ay aad isha ugu hayaan arimaha caafimaadka, tan dhaqaalaha iyo dagaalkan aan taageerada loo hayn ee Ciraaq.”

Sahamadu waxa ay sidoo kale muujinayaan in Obama soo jiidanayo qaar ka mida goballada ay ku badan yihiin cod-bixiyayaasha dabaqadda shaqaysa.  Dabaqaddani intii ay socotay doorashadii hordhaca ahayd, waxa ay door-bidayeen Hillary Clinton.

Clay Richards oo ah Sahmiye ka tirsan Jaamacadda Quinnipiac ayaa yiri: xilligan aynu joogno, tiro badan oo ka tirsan cod-bixiyayaasha dabaqadda shaqaysa Barack Obama ayay u arkaan in uu yahay murashaxa ugu fiican ee dhaqaalaha dalka ka soo celin kara meesha uu marayo, waana kaas arrinka ugu muhiisan ee maankooda ka guuxaya, taasoo ka jeedin karta rabitaanka ay doorashooyin hore u muujiyeen musharixiinta xisbiga Republican-ka.

Sen. McCain waa uu la socdaa in ay buur dheeri ka xigto Aqalka Cad, isaga oo taa cabirayana waxa uu yiri: Waan la socdaa in ay khasab igu tahay sidii aan qaddiyad walba ugaga cad-caddaan lahaa ninka ila tartamaya, sidaa darteedna marna yar-yaraysan maayo. Waxaaban isku arkaa hadda in aan ahay ninka la sito.

McCain waxa lagu yaqaan in uu si fudud u soo jiidan karo dadka dhex-dhexaadka ah taasoo ka dhigaysa nin aan la sahlan karin ayuu qabaa Thomas Mann, waxaana uu hadalkiisa intaa ku sii daray: “taas waxaa u sahlaya taariikhdiisa aadka u camiran, sumcaddiisa shakhsiyadeed iyo in uu yahay nin xagga fikirka madax-bannaan” ayuu yiri Thomas Mann.

Sifada McCain ee ah in uu yahay geesi dagaal ayaa cod-bixiyayaasha ku qancin karta dareenkooda ku aaddan sidii dalka looga difaaci lahaa argagixisada.  Taasi waxa ay siin kartaa fursad uusan haysan Obama.

Thomas Mann oo markan diiradda saaraya Sen. Obama ayaa yiri “Dadka qaarkii waxa ay shaki ka qabaan sida Obama uu yahay nin u diyaarsan in uu ka soo baxo shaqada Taliyaha Sare ee ciidanka.  Sidaa darteed, waxa horyaal in uu wax badan kala caddeeyo, oo uu helo qaab uu dadka uga gadi karo in uu yahay nin lagu aamini karo arimaha khuseeya ammaanka qaranka.”

Dhaqaalaha, sicir bararka sii koraya ee shidaalka, daryeelka caafimaadka iyo dagaalka Ciraaq ayaa la filayaa in ay noqodaan qaddiyadaha lagu jeex-jeexi doono olalaha loogu jiro doorashada, taasoo ay dadka Maraykanku u dareeri doonaan 4-ta November.


emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Maamul Islaami Ah Oo Kismaayo Laga Dhisay  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Barnaamijka Martida Makrafoonka  Audio Clip Available
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka  Audio Clip Available
Barnaamijka Caweyska Washington  Audio Clip Available
Amnesty Oo Ka hadashay Burcad-badeedda  Audio Clip Available
Wargaysyada Caalamka Iyo Soomaaliya.  Audio Clip Available
Millatariga Faransiiska Oo Weeraraya Burcad-badeedda
Burcad-badeed Qabsatay Muwaadiniin Faransiis Ah
Al-Shabab Oo Madaxtooyada Weerartay  Audio Clip Available
Soomaali Banaanbax Ka Dhigtay St. Paul, Minnesota.  Audio Clip Available
Xukuumadda Oo Ka Badbaaday Codka Kalsooni-darrada  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka: Barlamaanka Iyo Heshiiskii Addis  Audio Clip Available
Jawhar: Dagaal Ka Dhex Qarxay Isbahaysiga  Audio Clip Available
Barnaamijka Todobaadka Iyo Geeska  Audio Clip Available