![[insert caption here] [insert caption here]](/somali/images/KSA.jpg) |
Boqortooyada Sucuudiga
|
Wasaaradda
Arimaha Gudaha ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtey in masuuliintoodu ay
xireen dad tiradoodu gaarayso 701 qof, kuwaasoo lagu sheegey in ay yihiin
xag-jirro ku xiriira shabakadda argagixisada Al-Qacida. Waxaa dadkaas lagu eedeeyey in ay qorsheeynayeen
in ay weeraro ku qaadaan warshadaha saliidda ee Boqortoyada Sucuudiga.
Hadal rasmi ah oo ciidamada ammaanka
ee Sucuudigu ay maanta soo saareen ayeey ku sheegeen in dadkaas la
tuhunsanyahay lagu qabtey weeraro kedis ah oo lagu qaaday goobo kala duwan
sanadkii u dambeeyey. Dadkaas tuhumaadda loo xirey intooda badan oo ah ajaanib
ka kala yimid waddamo kala duwan weli way xiran yihiin.
Wasaaradda Arimaha Guduhu
waxa ay sheegtey in dadkaas mintidiinta ahi ay u abaabul sanaayeen unugyo
bartilmaameed sanayey magaalada Yunbuc ee Badda Cas saaran iyo gobolka
Sucuudiga ee dhaca bariga.
Waddanka
saliidda qaniga ka ah ee Sucuudi Carabaabiya, waa meeshii uu ku dhashey
hogaamiyha Al-Qaacida, Osama Bin Laden. Waxa mas’uuliyiinta Sucuudigu ay tan
iyo sanadkii 2003dii dagaal kula jireen mintidiin weeraro ku haya ajaanibka
jooga Sucuudiga iyo goobha saliidda lagu safeeyo.