![[insert caption here] [insert caption here]](/somali/images/Refugee-Camps.jpg) |
Xeryaha Qaxootiga
|
Inkastoo
inta badan ay ishu si fudud u qabato dadka ku jira xeryaha qaxootiga ee ku yaal
meelaha ka baxsan Muqdisho, ayaa waxa iminka degmooyinka Muqdisho laftooda si
wey ugu sii badanaya xeryo qaxooti kuwaasoo ay dagan yihiiin dad sababo kala
duwandad uga soo cararey guryohoodii.
Dhinaca kalana
dad qaxooti ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya ayaa la
sheegayaa inay xaalad nolol xumo oo adag ku haysato gudaha magaalada Marka ee
gobolka Shabeelaha hoose.
Haddaba wariyayaasheena Nasra Cali Caruush oo joogta Muqdisho iyo Maxamed
Xalane oo Marka jooga ayaa booqday baraha ay ku sugan yihiin qoxootiga jooga
labada magaalo, oo inta u kuur-galay xaaladdooda nololeed labadan warbixinood oo
faahfaahsan noo soo diray, kuwaas oo aad halkaan ka dhagaysan kartid.