![[insert caption here] [insert caption here]](/somali/images/Mogadishu-Police.jpg) |
Mogadishu Police
|
Tafaasiil
dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay shalay maleeshiyada kooxaha mucaaradka
ee ka dagaalamaya magaalada Muqdisho ay ku qaadeen saldhig booliis oo ku yaalla
duleedka waqooyi ee magaalada, halkaasi oo lagu dilay toban ruux.
Dadka la dilay ayay sagaal ka mid ah ka
tirsanaayeen ciidanka booliska. Askartaan oo la aasay saakay ayaa waxa dilkooda
ka hadlay guddoomiye ku xigeenka maamulka gobalka Banaadir ee arimaha nabadgalyada Md.
Cabdifitaax Ibraahim Shaaweey isaga oo qaabkii uu dilkaasi u dhacay ku tilmaamay
mid diinta iyo bini’aadanimada ka baxsan, dhanka kalena ku sheegay in
dilkaasi yahay mid ay ka xumaadeen shacabka Soomaaliyeed.
Wariye Axmed Xasan Colaad ayaa warbixin
dheeri ah nooga soo diray Muqdisho.