Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

Cumar Xaashi: Magaalada Baladwayne Gumaysigii Waa Uu Ka Baxay


29-June-2008
Waraysiga Cumar Xaashi - Soo rogo (MP3) audio clip
Waraysiga Cumar Xaashi - Dhegayso (MP3) audio clip
Dagaalka Guriceel - Soo rogo (MP3) audio clip
Dagaalka Guriceel - Dhegayso (MP3) audio clip

Cumar Xaashi Aadan
Cumar Xaashi Aadan
Cumar Xashi Aadan oo ah xubin sare oo ka tirsan Isbahaysiga Dib-u-Xoreeynta Soomaaliya, haddana ku sugan magaalada Baladwayne oo gacanta ugu jidha Isbahaysigiisa ayaa sheegay in ayan u qorshaysneen in ay halkaa wax maamul ah ka dhisaan .  Md. Aadan waxa uu sheegay in ay mudnaanta koowaad siinayaan marka hore sidii ay dalka uga xoreeyn lahaayeen waxa uu ugu yeeray gumaysiga.

Isaga oo wariyaheenna magaalada Baladwayne Xuseen Xasan Dhaqani uga waramaya kulan uu maanta la yeeshay waxgaradka degmadaas ayuu mas’uulku sheegay in ayan jeclayn in ay magaalada dhexdeeda kula dagaallamaan ciidamada ay dagaalka kula jiraan ee Itoobiya, balse waxa uu intaa raaciyay in haddii ay dantu ku kallifto arinkaas, ay ku dagallami doonaan.

Shalay ayay ciidamo la aamin sanyahay in ay daacad u yihiin Maxaakimta Islaamiga ah ee dagaalka kula jirta dawladda Federaalka ee Soomaaliya la wareegeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaal bartamaha iyo koonfurta galbeed ee Soomaaliya, kuwasoo ay ka mid tahay magaalada Baladwayne.

Dhinaca kale, isla wararka uu noo soo diray wariye Dhaqane, magaalada Guriceel ayay dadkii dagganaa ka qaxeen, kadib markii ciidamada Itoobiya iyo xoogagga diidan joogitaankooda Soomaaliya uu xalay halkaa dagaal ku dhex-maray.  Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee degaankaas ka dagaalamay ay yihiin kuwii ka baxay magaalada Baladweyne oo shalay la sheegay in ay la wareegeen kooxaha ka soo horjeeda xukuumadda federaalka ah.  Dagaalka ka dhacay Guriceel ayaa gaystay khasaare isugu jira dhimasho ay dhaawac, iyada oo dad badanina ay ka barakeceen magaalada sida uu ku waramayo mid ka mida dadka dagaanka. 

Waraysiga Md. Cumar Xaashi Aadan iyo tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka Guriceel waxa inoo haya Xussen Xasan Dhaqane oo Baladwayne jooga, ee fadlan halkan ka dhagayso.


emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Geelle: Cidkasta oo nabad doonaysa hala soo dhaweeyo.  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Bo-huko: Dagaalka Muqdisho lug kuma lihin  Audio Clip Available
Xildhibaan Xirsi: AMISOM howl dadka lagu laynayo ayay wadaan.  Audio Clip Available
NATO oo Illaalin Doonta Shixnadaha Gargaarka Aadaminimo  Audio Clip Available
Xukuummadda Federaalka oo Eedaysay Eretriya  Audio Clip Available
Ciidamada Puntland oo Soo Furtay Ajanabi La Qafaashay  Audio Clip Available
Kenya oo Beenisay in Markabka Hubku u Socday Koonfurta Suudaan
Mushkiladda Maaliyadda Iyo Saamaynteeda Caalamka  Audio Clip Available
Wald Cabdalla oo Ka Hadlay Bixitaanka Ciidamada Itoobiya  Audio Clip Available
Xoghayaha Guud ee IGAD oo Ka Hadlay Arimaha Soomaaliya  Audio Clip Available
Oday-Dhaqameed Lagu Dilay Baladwayne  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka: Dilalka Dhallinyarada Qurbaha Ku Nool  Audio Clip Available
Wicitaanka Dhagaystayaasha Iyo Cabdulqaadir Walaayo  Audio Clip Available
Dagaal AMISOM Qayb Ka Tahay oo Muqdisho Ka Dhacay  Audio Clip Available