 |
| Cabdullaahi Yuusuf |
Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomalaiya (DFKS) Md. Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa si buuxda u soo dhaweeyay heshiiskii magaalada Jabuuti ay ku gaareen dhawaan DFKS iyo mucaaradkeeda hubaysan. Madaxwayne Yusuf oo hadda ku sugan magaalada Sharmal-Sheekh ee dalka Masar, halkaas oo uu uga qayb-galayo kulan-madaxeedka Midowga Afrika ayaa isaga oo u waramaya wariyaha VOA-da Haaruun Macruuf, sheegay in dawladdiisu si buuxda u taageerayso heshiiska Jabuuti, isaga oo amaanay dawrka Jabuuti ay ka cayaarto dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed.Madaxwaynaha ayaa muujiyay rajada uu ka qabo in beesha caalamku taageerto Soomaaliya si loo xasiliyo, nabadgalyadii iyo ammaankiina loo soo celiyo, si dib loogu hanto, buu yiri, qarannimadii, midnimadii iyo sharafkii Soomaaliyeed, taasoo haddii aan la helin uusan arag, waa sida uu hadalka u dhigaye, mustaqbal kale oo Soomaaliya leedahay. Madaxwayne Yuusuf waxa uu sheegay in si taa loo helo uu beesha caalamka waydiisan doono taageero ciidan, mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo waliba mid bulsho.
Dhanka kale, madaxwaynuhu waxa uu ka hadlay dagaalkii dhawaan Jabuuti iyo Eretria ku dhex-maray xudduudaha u dhexeeya, isaga oo ugu yeeray dhacdadaas mid Jabuuti looga gardaran yahay ayna tahay in Jabuuti la is garab-taago.
Waraysiga uu Haaruun Macruuf la yeeshay
Madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf Axmed halkaan ka dhagayso.