 |
| Maxkamadda Hague |
Ururka Midwoga Afrika ayaa lagu soo warramayaa inay taageereen sharci-yaqaan Soomaali ah laguna magacaabo Dr. Cabdilqawi Axmed Yuusuf oo isagu u tartamaya inuu garsoore ka noqdo Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague.
Maxkamada Hague oo ka kooban 15 garsoore ayaa waxay hoos timaadaa Qaramada Midoobay, iyada ooy garsooreyaashaasi soo doortaan Golaha Ammaanka iyo golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.
Dr. Cabdilqawi ayaa haddii la doorto noqon doona qofkii Soomaaliyeed ee u horeeyay isla markaana qofkii ugu horeeyay ee u dhasha Geeska Afrika oo xilkaasi qabta.
Weriyaha laanta afka Soomaaliga uga soo warrama Jabuuti Xuseen Barre Aadan oo hadda ka mida suxufiyiinta ku sugan Sharmal-Sheekh oo uu ka socdo kulan-madaxeedka Midowga Afrika ayaa kula kulmay magaaladaas Dr. Cabdilqawi waxa uuna qareenka kala sheekaystay xaaladda siyaasadeed iyo tan garsoorka ee Soomaaliya iyo waliba rajada uu ka qabo in uu xaqiijiyo hankiisan.
Waraysiga oo dhamaystiran halkaan ka dhagayso fadlan.