 |
| Maxamed C Xabeeb |
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed
Cumar Xabeeb ayaa sheegay in uu khasaare aad u yar ka soo gaaray ciidamada
dawladda iyo kuwa AMISOM dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho isaga oo
taa ku sababeeyay in ciidanku ay difaac ku jireen oo iyaga la soo weeraray.
Maxamed Dheere ayaa isaga oo u waramaya Cabdiraxmaan Yabaroow oo ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, waxa uu mas’uuliyadda
dagaalladaas dusha uga tuuray kooxaha ka soo horjeeda heshiiska Jabuuti, isaga oo
tilmaamay in ay dagaallada uga dan-leeyihiin si ay adduunka ugu muujiyaan in
aan wax heshiis ahi jirin. Isla mar
ahaantaana, Duqu waxa uu sheegay in garabka heshiiska saxiixay ayan lahayn
awood ay ku filiyaan ama jiho ay mas’uul ka yihiin.
Mar uu ka jawaabayay sida wax looga qaban karo colaaddan
ayuu sheegay in mas’uuliyaddaas ay leedahay dawladda dhexe oo uu sheegay in
labadii mas’uul ee ugu sareeyayba ay iminka dalka ka maqan yihiin, ayna xaaladda ammaanka go’aan ka gaari doonaan marka ay dalka ku soo noqdaan.
Md. Maxamed Dheere waxa uu rajo xumo ka muujiyay in uu
dhaqan-galayo heshiiskan xabbad joojinta ah, kaasoo muddadii loogu talagalay ay
todobaad ka harsantahay, wuxuuna raja-xumadiisa sabab uga dhigay wax uu ku
tilmaamay sida ay u hadlaan af-hayeennada kooxaha ka soo horjeeda dawladda.
Ugu dambayntiina waxa uu sheegay in ammaanka Muqdisho
uu ku xiran yahay goballada kale ee dalka gaar ahaan labada Shabeelle ee dariska
la ah gobalka Banaadir, isaga oo sheegay khiyaarka kaliya ee dawladda horyaal
uu yahay in dib loo soo celiyo howl-galladii amniga oo sida uu sheegay
loo hakiyay si fursad loo siiyo dadaallada dib-u-heshiisiinta.