Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

Soomaaliya Iyo Shaqaalaha Samafalka


15-July-2008
Warbixinta Alisha Ryu - Soo rogo (MP3) audio clip
Warbixinta Alisha Ryu - Dhegayso (MP3) audio clip

Khariidadda Soomaaliya
Khariidadda Soomaaliya
Madaxa kooxda Soomaalida ee gacansaarka la leh hey’ad Samafaleed oo Jarmal ah oo la yiraahdo Bread for the World ayaa sheegey in kooxdoodu ay joojisey hawlgaladii ay ka wadeen Soomaaliya, ka dib markii Jimcihii gurigiisa oo ku yaal Muqdisho lagu diley agaasime ku xigeenkiihey’addaas.

Weerar kaa ka duwan ayaa xilli hore oo isla maalintaas ah ay ninkii madaxada ka ahaa hey’ad maxalliya oo la yiraahado SORDA ay dabley si xun u dhaawacdey isagoo cunto u qeybinaya dad dalka gudihiisa ka barakacay oo deggan koonfurta Muqdisho.

Sidoo kale, isla Jimcihii ayaa nin kale oo u shaqeeya hey’adaha samafalka toogasho lagu dilay gobollada dhexe ee Soomaaliya isagoo markaas aqalkiisa ka tagey si uu Masaajid u dhow ugu soo tukado.

Sagaal maalmood ka horna, dabley ayaa Muqdisho ku dishay ninkii madaxda u ahaa xafiika hey’ada UNDP-Somaliya ay ku lahayd Muqdisho. Waxa Muqdisho iyo meelo kal oo ka mid ah Soomaaliya laga haley waraaqo ay ku qoran yihiin hanjabaad loogu caga-jugleynayo dadka la shaqeeya hey’adaha samafalka waraaqahaas oo shaqaalaha gargaarka ugu hanjabaya in ay dilayaan haddii ay sii wadaan shaqooyinka ay ka hayaan Muqdisho iyo goobo kale oo ka tirsan Soomaaliya.

Axaddiina, shaqaalihii UNDP ayaa ka baxey magaalada Baydhaba oo xarun u ah xubnaha Baaralamnaka Soomaaliya. Waxana ay UNDP ay sidaas yeeshey wakhti ay sii badaneyso walaaca ay UNDP ka qabto ammaanka shaqaalaheeda.

Agaasimaha Isbitaalka Madina ee Muqdisho, Dr Maxamed Yusuf ayaa sheegay in xataa khabiirada hawlaha aadaminimo ee Soomaaliya ee ka soo badbaaday dagaalladii Soomaaliya ka soo jirey 17kii sano ee la soo dhaafey, ay haatan garwsadeen in xaalka ammaan ee maanta Soomaaliya ka jira inuu yahay kii ugu xumaa ee dalku soo maro.

Agaasimuhu waxa uu intaa ku dary in qaar asxaabtiisa ka mida ay baqayaan kadib markii loo hanjabay.

Weerarada Soomaaliya ka socda waxa lagu tuhunsanyahey kooxaha Islaamiyiinta mucaaradka ee xagjira ee jooga Eritrea, ee diiday heshiiskii nabadda ee bishii tagtay lagu gaarey Jabuuti.

Xubnaha mayalka adag ee kooxdaas Islaamiyiinta oo ay la jiraan maleeshiyooyinka mintidka ah ee Al-Shabab ayaa ku nidir-galey in dagaalka ay Soomaaliya gudaheeda ka wadaan sii wadi doonaan, ilaa inta ay ciidamada Itoobiya ka baxayaan Cariga Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ayaa Soomaaliya galey dabayaaqadii snadkii 2006-dii, si ay awoodda uga tuuraan kooxihii Maxaakiimta Islaamiga ee maalmahaas ka talinayey Muqdisho iyo meelo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.  

Tallaabadaas ayaa dhalisay in kooxo kacdoon wada ay dagaal qaraar oo dhiig badan ku qubtey ay kala soo hor jeestaan xoogagga DFKMG ah iyo ciidamada Itoobiya, iska horimaadyadaas oo sababey in kumannaan qof ay ku dhintaan, dad lagu qiyaasey in ka badan hal malyuunna ay aqalladoodii ka barakacaan.

Dagaallo, abaaro iyo cunto yarida Soomaaliya iskugu xig-xigay ka sokow, waxa Qaramada Midoobay sheegeysaa in saddex malyuun oo ruux oo Soomaaliya ay soo food-saartey xaalad daran oo aadaminimo.

Ururada caalamiga iyo kuwa maxalliga ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka gaabsadey in ay si muuqata oon qarsoodi aheyn uga hadlaan cidda laga yaabo in ay mas’uul ka yihiin weerarada ka socda Soomaaliya.

Laakiin mid ka mid ah shaqaalaha hey’adaha gargaarka ee reer Galbeedka oo codsadey in magaciisa aan la sheegin, ayaa VOA-da u sheegay in aysan jirin wax ka marag-kacaya in kooxaha kacdoonka wada ee Islaamiyiintu ay ku lug leeyihiin dilalka socda.


 

emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Dagaalo ka dhacay deegaano u dhow xuduudda Kenya  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Barnaamijka Faaqidaada Todobaadka  Audio Clip Available
Barnaamijka Wicida Dhageystayaasha  Audio Clip Available
Maamul Islaami Ah Oo Kismaayo Laga Dhisay  Audio Clip Available
Barnaamijka Martida Makrafoonka  Audio Clip Available
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka  Audio Clip Available
Barnaamijka Caweyska Washington  Audio Clip Available
Amnesty Oo Ka hadashay Burcad-badeedda  Audio Clip Available
Wargaysyada Caalamka Iyo Soomaaliya.  Audio Clip Available
Millatariga Faransiiska Oo Weeraraya Burcad-badeedda
Burcad-badeed Qabsatay Muwaadiniin Faransiis Ah
Al-Shabab Oo Madaxtooyada Weerartay  Audio Clip Available
Soomaali Banaanbax Ka Dhigtay St. Paul, Minnesota.  Audio Clip Available
Xukuumadda Oo Ka Badbaaday Codka Kalsooni-darrada  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka: Barlamaanka Iyo Heshiiskii Addis  Audio Clip Available
Jawhar: Dagaal Ka Dhex Qarxay Isbahaysiga  Audio Clip Available
Barnaamijka Todobaadka Iyo Geeska  Audio Clip Available