Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

Nuur Cadde: Dib-u-heshiisiintu Waa Xalka Qura


16-July-2008
Warbixinta Maryan Qalanjo - Soo rogo (MP3) audio clip
Warbixinta Maryan Qalanjo - Dhegayso (MP3) audio clip

Nuur Cadde(1)
Nuur Cadde
Ra`isal-Wasaaraha dowladda ku meel gaarka ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” ayaa isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu ka hadlay xaaladda wadanka Soomaaliya ee nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta iyo doodaha ka dhanka ah  xukuumaddiisa ee hor yaalla Baarlamaanka ku meel gaarka ah.
 

Ra’iisul-wasaare Nuur Cadde ayaa isaga oo ka hadlaya nabad-galyada waxa uu qiray in ay nabad-galyo xumadu ka sii dartay muddadii ka dambaysay saxiixiddii heshiiskii  Jabuuti, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay ugaarsiga lagu hayo shaqaalaha howlaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay qodabadii shirkii Jabuuti iyo sababaha ay wali colaaddu u sii jiitamayso ayuu sheegay in wali aan la gaarin xilligii ay dhaqan gali lahayd xabad-joojinta. 

Marka dhan la iska dhigo sida ay meelo badan oo ay dawladdu ka talin jirtay xilligii xukuumaddii Geeddi ay faraha uga sii baxayaan ayuu ra’iisul-wasaaraha sheegay in qorshihii ay xukuumaddiisu horgaysay barlamaanka ay ugu wayneed dib-u-heshiisiinta, walina uu ku adkaysanayo in kaligeed tahay tan kaliya ee lagu gaari karo xal waara.

Warbixin Maqal ah oo ay Maryan Qalanjo nooga diyaarisay arimahaas halkan ka dhagayso.

Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa noo soo dirtay Maryan Mohamuud Barre oo joogta magaalada Nairobi.

 

 

emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Dagaalo ka dhacay deegaano u dhow xuduudda Kenya  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Barnaamijka Faaqidaada Todobaadka  Audio Clip Available
Barnaamijka Wicida Dhageystayaasha  Audio Clip Available
Maamul Islaami Ah Oo Kismaayo Laga Dhisay  Audio Clip Available
Barnaamijka Martida Makrafoonka  Audio Clip Available
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka  Audio Clip Available
Barnaamijka Caweyska Washington  Audio Clip Available
Amnesty Oo Ka hadashay Burcad-badeedda  Audio Clip Available
Wargaysyada Caalamka Iyo Soomaaliya.  Audio Clip Available
Millatariga Faransiiska Oo Weeraraya Burcad-badeedda
Burcad-badeed Qabsatay Muwaadiniin Faransiis Ah
Al-Shabab Oo Madaxtooyada Weerartay  Audio Clip Available
Soomaali Banaanbax Ka Dhigtay St. Paul, Minnesota.  Audio Clip Available
Xukuumadda Oo Ka Badbaaday Codka Kalsooni-darrada  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka: Barlamaanka Iyo Heshiiskii Addis  Audio Clip Available
Jawhar: Dagaal Ka Dhex Qarxay Isbahaysiga  Audio Clip Available
Barnaamijka Todobaadka Iyo Geeska  Audio Clip Available