 |
| Prof. Said Samatar |
Wararka ka soo baxaya masuuliinata
maxaakiinta islaamka ayaa sheegaya in labada garab ee ka kala socdey Jabuuti
iyo Asmara ay ka heshiiyeen xurguftii dhex-martay labada dhinac intii ka
horeysey shirkii Jabuuti.
Sidoo kale, macluumaadka nooga
imanya mas’uuliyiinta qaar ka mid ah ayaa sheegaya in labada garab ee kooxdii
la isku oran jirey Maxaakiinta Islaamku ay ku heshiiyeen inta badan qodabadii
heshiiskii Jabuuti ku dhex-maray
xukuumadda iyo garab ka mida Isbahaysiga Dib-u-xoreeynta Soomaaliya.
Haddaba si aannu wax badan
uga ogaanno afkaarta ku xiriirta iyo waxa uu ka dhignaan karo heshiiska ay
gaareen labada garab ee Maxaakiimta ayaa arinkaas iyo qodobo kale aan ka
wareysanay Prof. Saciid Shiikh Samatar oo ah taariikhyahan Soomaaliyeed oo wax
ka dhiga Rudgers University oo ku taal gobolka New Jersey ee
Woqooyiga-bari ee Mareykanka.
Cabdiraxman Yabarow oo Prof.
Saciid Samatar wareystay ayaa su’aalihiisa ku bilaabey saameyn intee le’eg ayuu
heshiiska ay gaareen labada garab ee Maxaakiintu ku yeelan karaan wixii horey
Jabuuti loogu heshiiyey.
Waraysiga oo maqal ah halkan uga bago.