![[insert caption here] [insert caption here]](/somali/images/Djibouti1.jpg) |
| Magaalada Djibouti |
Waxa maanta magaalada Jabuuti ka furmey
kal-fadhigii 2aad ee Golaha Dhexe ee Ururka Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta
Soomaaliya oo ay ka maqan yihiin xubnihii ku haray Asmara kadib markii ay ka
biyo diideen heshiis uu ururku la galay xukuumadda ku-meel-gaarka ah ee
Soomaaliya. Madasha shirka ayaa waxaa
goob-joog ka ahaa 106 xubnood, tiradaas oo sida ay xog’haynta shirku shagtay
buuxisay tirada sharciga ah ee uu shirwaynuhu ku qabsoomi karo.
Shirkan oo ay ka soo
qayb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan beesha caalamka ayaa madaxda ururka ee
haddallada ka soo jeediyay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha golaha dhexe ee
Isbahaysiga Dib-u-xoreeynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Xassan iyo
guddoomiyahah guddiga fulinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Labaduba waxa ay aad ugu
dheeraadeen duruufta ka taagan Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in
Soomaaliya loogu soo dabbaalo nabad.
Tafaasiil dheeraad ah oo uu wariyeheenna Jabuuti
Ramadaan Muuse oo shirkaas goob-joog ka ahaa noo soo diray, halkan ka dhagayso.