 |
| Shariif Xasan |
Guddoomiyaha golaha dhexe ee Isbahaysiga Dib-u-xoreeynta
Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Adan ayaa sheegay in golaha dhexe ee
isbahaysigoodu ansixiyay la islana qaatay heshiiskii iyaga iyo xukuumadda FKM
ee Soomaaliya bishii June ku wada saxiixeen magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda
Jabuuti.
Shariif
Xasan oo u waramayay idaacadda VOA-da oo ka hadlaya arinka ayaa sheegay in dhinaca
Isbahaysiga ay kaliya u dhinnayd in ay isku yimaadaan oo ay ansixiyaan
heshiiskaas, taasina ay iminka soo dhamaatay.
Mar
uu ka hadlayay, waxyaabaha ka fulay heshiiska Jabuuti ayuu sheegay in ay wax
badan fuleen, haseyeeshee howsha inta badan ay hadda ku harsantahay dhinaca
beesha caalamka oo looga fadhiyo sidii ay ku fududeeyn lahaayeen in ay
ciidamada Itoobiya waddanka ka saaraan, kuwo cusubna ay keenaan. Shariif Xasan ayaa sheegay in sida uu ka
warhayo ay beesha caalamku meel fiican marinayso dhamaystirka qodobkaas.
Todobaadkii
hore ayuu barlamaanka FKM ee Soomaaliya fadhi uu ku yeeshay magaalda Baydhaba
oo xarun u ah waxa ay ansixiyeen heshiiska ay xukuumaddu la gashay kooxda
Isbahaysiga iyada oo uu halkaasna goob joog ka ahaa ra’iisul wasaaraha DFKM
Axmed Cabdisalaan isla markaana ahaa ninka ugu sareeya wafdiga dowladda ee ka
qayb-galay wada-xaajoodkii lagu gaaray heshiiska Jabuuti.
Sagaalkii
bishii June ayay xukuumadda ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo Isbahaysiga
Dib-u-xoraynta waxa ay heshiis ay Qaramada Midoobay kor jooge ka ahayd waxa ay
ku gaareen caasimadda Jabuuti ee Jabuuti.
Tan iyo markii heshiiska la saxiixay waxaa sii xoogaystay dagaallada ka
jira Soomaaliya, iyada oo ay bilaabatay mawjad ugaarsi ah oo lagu hayo
shaqaalaha hay’adaha samafalka.
Heshiiskaas waxa ka biyo diiday oo aan wax ka
sixiixin qayb ka mida Isbahaysiga oo hadda ku harsan Asmara, oo ah halkii lagu
soo dhisay Isbahaysigan, iyaga oo ballan-qaaday in ay dagaallada halkaas ka sii
wadi doonaan. Dadka odorasa siyaasadda
Soomaaliya ayaa shaki ka muujiyay in Soomaaliya laga gaari karo heshiis ayan
qayb ka ahayd kooxaha mayalka adag.Waraysgia Shariif Xasan iyo warbixin kale oo uu wariyaha VOA-da ee Jabuuti ka soo diray waxyaabihii looga hadlay kal-fadhiga Isbahaysiga Dib-u-xoreeynta Soomaaliya oo labaduba maqal ah halkaan ka dhagayso.