Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

Wadaad Xag-jir ah Oo Hogaamin Doona Mucaaradka


23-July-2008
Warbixinta Ramadan - Soo rogo (MP3) audio clip
Warbixinta Ramadan - Dhegayso (MP3) audio clip

sheikh-d-xasan
sheikh Xasan Daahir
Wadaad xag-jir ah oo la aaminsan yahay in uu xiriir la leeyahay ururka argagixisada Al-Qaacida ayaa loo doortay in uu hogaamiyo kooxda ugu wayn mucaaradka Soomaaliya.

Xubno ka tirsan Isbahaysiga Dib-u-xoreeynta Soomaaliya ayaa sheegay in wadaadka lagu magacaabo Sheekh Xasan Daahir Aways loo doortay in uu hogaamiyo kooxda, isaga oo sidaasna ku badali doona wadaadka ka mayalka dabacsan ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wakaalada Wararka Faransiiska ayaa sheegtay in Sheekh Shariif uu uu ku gacan-sayray tallaabadaas.

Xiriirka labada hogaamiye iyo kooxaha ay kala wataan ayaa sii xumaanayay bilihii ugu dambeeyay.  Xasan Daahir Aways iyo iyo xubno kale oo mayal adag oo ka tirsan isbahaysiga mucaaradka kama ayan qayb-galin wadahadalladii nabadda ee ay gogoshiisa fidisay Qaramada Midoobay, kaasoo bishii June ka dhacay magaalada Jabuuti.  Wadahadalladaas ayaa ugu dambayntii horseeday in ay heshiis kala saxiixdaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xukuumadda ku-meel-gaarka ah ee ay Itoobiya taageerto.

Kooxaha mayalka adag waa ay diideen heshiiskaas, iyaga oo sheegay in heshiiska ayan ku jirin qodob tilmaamaya in ciidamada Itoobiya si dag-dag ah uga baxaan Soomaaliya.

Dhinaca kalena, waxa wali magaalada Jabuuti maalintii shanaad ka socda kal-fadhigii labaad ee Isbahaysiga dib-u-xoraynta Soomaaliya.  Sida uu noogu soo waramayo wariyiaha VOA-da Ramadan Muuse, waxa wadahadalladii maanta hareeyay go’aamadii ay soo saareen xalay garabka ururkaas uga haray Asmara ee ay xilalkii uga qaadeen mas’uuliyiintii sare ee ururka.

Guddoomiyaha Isbahaysiga Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa isaga oo la hadlaya shirka maanta sheegay in uu ururkiisu galay marxalad cusub.  Waxa uu sheegay in uu aad uga xunyahay hadallada ka soo yeeray xubnaha ku sugan Asmara, waxase uu intaa raaciyay in ayan haysan sharciyadda ay ku qaadan karaan go’aamada caynkaa oo kale ah, sidaa darteedna hogaankii ururku ayan waxba iska badalin.

Shalay ayuu kalfadhigu ansixiyay heshiiskii Jabuuti ee sagaalkii bishii June ay wada saxiixeen Isbahaysiga Dib-u-xoreeynta Soomaaliya iyo xukuumadda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Wararka laga helayo Asmarana waxa ay sheegayaan in ay tallaabadaasi tahay tan soo dadajisay isbadalka ay ku tallaabsadeen kooxda Asmara, oo sida la sheegayo ka dhursugaysay in dib loogu noqdo qaar ka mida qodobadii heshiiska Jabuuti, sidaasna lagu ballamay ka dib shir ay todobaakii hore wakiillo ka kala socda labada garab ee isbahaysiga ku yeesheen magaalada Sanca ee dalka Yamen.

Warbixin maqal ah oo uu hab-socodka kalfadhiga iyo doodihii maanta nooga soo diray wariyeheena Jabuuti halkaan ka dhagayso.

 

 

emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Soomaaliland oo Ka Digtay Isdiiwaangalinta Ajaanibta  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
NATO oo Maraakiib u Dirtay Xeebaha Soomaaliya
Puntland oo Howlgal Ciidan Ku Soo Furatay Markab La Afduubay  Audio Clip Available
Maxkamadda Sare oo Ka Hortimid Go'aan Barlamaani ah  Audio Clip Available
Zenawi oo Dhaliilay Hogaanka Soomaaliya  Audio Clip Available
Jen. Cadde: Ma Qabno in Lala Gorgortamo Burcad-badeedda  Audio Clip Available
AMISOM oo La Weeraray Maalinkii Labaad oo Xiriir Ah  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka: Shirka Jabuuti Iyo Soomaaliya  Audio Clip Available
Ciidamada Puntland oo Weeraray Burcad-badeed  Audio Clip Available
Geelle: Cidkasta oo nabad doonaysa hala soo dhaweeyo.  Audio Clip Available
Bo-huko: Dagaalka Muqdisho lug kuma lihin  Audio Clip Available
Xildhibaan Xirsi: AMISOM howl dadka lagu laynayo ayay wadaan.  Audio Clip Available