 |
| Sh. Xasan Daahir Aways |
Hogaamiyaha Islaamiga ah ee mucaaradka Soomaaliya
dhawaan doortay, Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa ku baaqay in la joojiyo
weerarada lagu hayo shaqaalaha howlaha samafalka ee ka howl-gala Soomaaliya.
Saraakiisha QM ayaa ka digay in nabad-galaya xumada
ka soo daraysa ay handadaad ku tahay howlaha gargaaka ee ka socda
Soomaaliya. In kabadan 20 ka mida
shaqaalaha howlaha samafalka ayaa lagu dilay Soomaaliya sannadkan, halka tiro
kalena la af-duubay.
Xasan Daahir oo ah hogaamiyaha Isbahaysiga
Dib-u-xoraynta Soomaaliya ayaa dhalleeceeyay weeraradaas. Waxa uuna sheegay in kooxdiisu ilaalin
doonto shaqaalaha gargaarka ee ka howlgala degaanada ay ka taliyaan.
Afhayeen u hadlay garabka Xasan Daahir Aways oo lagu
magacaabo Zakariye Maxamuud Xaaji-Abdi ayaa ku eedeeyay in ay weeraradaas ka
dambeeyaan xukuumadda ku-meel-gaarka ah iyo ciidamda taageera ee Itoobiya.
Raadiya laga dhagaysto Soomaaliya ayaa sheegay
in sidoo kale xukuumaddu dhalleecaysay weerarada. Laakiin waxa ay eedda dusha uga tuurtay kooxaha dagaalka uga soo
horjeeda sifo ay waddada uga tuuraan dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ay
xukuumadda bishii hore Jabuuti kula soo gashay garab ka dabacsan kan Asmara.