Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

Golaha Ammaanka Oo Ka Shiray Soomaaliya


24-July-2008
Warbixinta Margaret Basheer - Soo rogo (MP3) audio clip
Warbixinta Margaret Basheer - Dhegayso (MP3) audio clip

Ahmed Ould Abdallah
Ahmed Ould Abdallah
Waxa xarunta Qaramada Midoobey ee New York maalmahan ku sugan, wafuud ka kala socota Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo wafdi matalaya Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya, kuwaas oo la kulmay qaar ka tirsan xubnaha Golaha Ammanka.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku boorriyey in ay Soomaaliya geeyaan ciidamo nabad ilaalineed oo caalamiya. Waxa wasiirku sheegayaa in jawiga siyaasaddu uu horumar sameeynayo, waxana uu rajeenayaa in taasi ay horseeddo horumar laga gaaro dhinaca ammaanka.

Margaret Basheer ayaa dhambaakan nooga soo dirtey xarunta Qaramada Midoobey ee New York.

Bishii na soo dhaaftey waa tii wafdi ka socdey Dowladda Federaalka ee KMG ah iyo koox matalaysa ururka dib-u-xoreynta Soomalidu ay Jabuuti ku gaareen heshiis.

Wasiirka Arimaha Dibadd ee Dowladda KMG ayaa iminka sheegaya inuu rajeenayo in labada dhinac ay heshiiskaas dalka Sucuudiga ku saxiixi doonaan laba usbuuc gudahood.

Laakiin hal qodob oo meel marinta heshiiskaas carqaladeyn kara waxa uu yahey isbedelka uu garabka Asamara ku sheegtay in ay xukunkii ka tureen madaxdii hore ee kooxda Isbaheysigu laheyd iyagoo sheeganaya in ay madax cusub yeesheen.

Wadaadka mayalka adag, Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegtay in kooxdiisu ay xukunkii ka qaadday madaxdii Isbaheysiga ee shirkii Jabuuti ka qeybgalay oo dad badan ay u arkaan kuwa siyaasaddoodu dhex-dhexaad tahay.

Wasiirka arimaha dibadda ee Dowladda Federaalka KMG ah, Ali Ahmed Jaamac ayaa sheegey in dowladdiisu ay si weyn uga go’antahey in ay hirgaliso waajibaadka saaran ee ku xiriira heshiiskii Jabuuti, waxana uu intaas ku darey in sidoo kale ay dowladdiisu fulayso in kooxda isbaheysigu ay iyaguna guttaan ballankoodii.

Waxa Wasiirku uu intaas raciyay in taasi ay albaabka u furi doonto xaalad Qaramada Midoobay u ogolaata in ay Soomaaliya ciidan u dirto, tasoo horseedi doonta in ciidamada dowladda Itoobiya oo Soomaaliya joogay tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2006-dii ay dalka ka baxaan.

Wasiirka Arimah Dibadda ee Soomaaliya waxa uu sheegey inuu dhiiri-galin ka helay xubnaha Qaramada Midoobay ee uu kala hadlay gacanta ay ka geysanayaan ciidamada Soomaaliya loo dirayo.

Waxa kale oo uu wasiirku intaas raaciyey in shirkii Ururka Midowga Afrika dhawaan ku yeeshay magaalada Sharm-al-Sheekh ee dalka Masar ay waddamo badan oo Afrikaan ah u soo istaageen in ay gacan ka geystaan wax u qabadka Soomaaliya, hasayeeshee, Mr Ali Axmed Jamac ma uusan qeexin wadamada doonaya in ay ka qeyb-qaataan u gar-gaarista Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha siyaasadda ee Soomaaliya, Ahmed Wald Cabdallah ayaa Golaha Ammaanka u sheegey in la gaaray waqtigii ay bulshada caalamku arimaha Soomaaliya ka qaadan lahayd go’aan kama dambeys ah oo leh tallaabooyin geesinimo oo deg-deg loo gaaro, isaga oo intaa ku daray in dhinaca Soomaalidu ay bilaabeen in ay isla shaqeeyaan sidaasna ay kubaddu la jirto dhinaca beesha caalamka.

Waxa Mr. Wald Cabdallah u sheegey Golaha Ammanka in markii la eego arimha Soomaliya ay horyaallaan saddex arimood oon aan kala dooran karno.

Tan koowaad buu yiri waxa ay tahay in la baddalo wajiga ciidamada Midowga Afrika ee iminka ee loo yaqaan AMISOM, laguna baddalo xoogag ka socda Qaramada Midoobey oon aan horumarinno awooddooda wax qabad.

Tan labaad ayuu yiri in aan halkaas gayno ciidamo wax dajiya oo xasiliya dalka Soomaaliya oo caalamiya.

Iyo, tan saddexaadna waxa uu ku sheegay in Golaha Ammaanku ansixiyo in Soomaaliya la geeyo ciidamo nabad ilaalineed oo Qaramada Midoobay leedahay.

Safiirka dowladda Mareykanka u jooga Qaramada Midoobey, Zalmay  Khalilzad ayaa su’aal ka keenay in hab-socodka siyaasadeed ee iminka ka jira arimha Soomaliya uu horay u sii tallaabasn karo iyo in kale, markii la eego xaaladda ammaanka iyo tan siyaasadda ee Soomaaliya ee sii xumaaneysa.

Waxa safiirka Maraykanku sheegey in Golaha Ammaanka looga baahanyahay in ay wada eegaan waxyaabaha badan ee horyaal Golaha, waxana uu xog-heynta Qaramada Midoobay waydiistay in ay marka la gaaro 15-ka August ay Golaha ugu soo deeqaan qorshayaal fikrado xambaarsan.  Safiirku waxa uu muujiyay sawir ah in weli ayan Golaha u kala cadeyn waxa ay ka rabaan Soomaaliya.

Waxa Safiirka Marykanku sheegey inuu u maleeynayo in xubnaha Goluhu ku soo dhawaanayo fikirka ah in ay doonayaan in wax la qabto, laakiin buu yiri weli ma aysan go’aansan tallaabada ugu wanaagsan ee ku haboon in la qaado.

Soomaaliya wax ay dowlad la’aan aheyd wakhti iminka ku dhow 20 sano. Waxana QM ay sheegtey in maanta dad Soomaaliya oo titadoodu kor u dhaaftey saddex malyuun ay waddanka dibaddiisa ku nool yihiin, halka tiro ka badan hal malyuunn ay ku barakaceen dalka gudihiisa iyada oo rabshadihii  waddanka ka jireyna ay weli  halkoodii ka sii socdaan.

Warbixintan oo maqal ah halkan ka dhagayso.

 

emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Soomaaliland oo Ka Digtay Isdiiwaangalinta Ajaanibta  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
NATO oo Maraakiib u Dirtay Xeebaha Soomaaliya
Puntland oo Howlgal Ciidan Ku Soo Furatay Markab La Afduubay  Audio Clip Available
Maxkamadda Sare oo Ka Hortimid Go'aan Barlamaani ah  Audio Clip Available
Zenawi oo Dhaliilay Hogaanka Soomaaliya  Audio Clip Available
Jen. Cadde: Ma Qabno in Lala Gorgortamo Burcad-badeedda  Audio Clip Available
AMISOM oo La Weeraray Maalinkii Labaad oo Xiriir Ah  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka: Shirka Jabuuti Iyo Soomaaliya  Audio Clip Available
Ciidamada Puntland oo Weeraray Burcad-badeed  Audio Clip Available
Geelle: Cidkasta oo nabad doonaysa hala soo dhaweeyo.  Audio Clip Available
Bo-huko: Dagaalka Muqdisho lug kuma lihin  Audio Clip Available
Xildhibaan Xirsi: AMISOM howl dadka lagu laynayo ayay wadaan.  Audio Clip Available