 |
Ciidamada AMISOM
|
Kooxaha Islaamiyiinta ayaa maalinkii labaad weeraray
ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee ku sugan caasimadda Soomaaliya
ee Muqdisho, halkaas oo ay ugu yaraan ku dhaawaceen hal askari.
Afhayeenka Midowga Afrika ayaa sheegay in askariga la
dhaawacay maanta oo Isniin ah, kadib markii bam lagu aasay waddada dhinaceeda
uu ku qarxay gaari ay wateen ciidamada Midowga Afrika.
Axaddiina, bom kale oo lagu aasay waddada dhinaceeda
ayaa dhaawacay laba kamida ciidama Burundi ee dhawaan soo gaaray Muqdisho.
Qiyaastii laba kun oo askari oo ka kala socda
Burundi iyo Ugandha ayay ka kooban yihiin ciidamada howsha nabad-ilaalineed u
jooga Soomaaliya kuwaas oo loo yaqaan AMISOM.
Ciidamadani tan iyo markii ay yimaadeen waxa ay ilaalo ka hayaan goobo
muhiim ah oo ku yaal magaalada Muqdisho, iyada oo xukuumadda ay taageerto
Itoobiya ay dagaal kula jirto xag-jiriin Islaamiyiin ah.Dhinaca kalena ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, tiro kale oo ay ku jiraan ardayna waa ay ku dhaawacmeen kadib marki ay xalay kooxaha xag-jira ee Islaamiyiintu ay dagaal ku qaadir xarun ay leeyihii ciidamda AMISOM.
Warbixinta dagaalkaas iyo qaraxa loo gaystay ciidamda AMISOM halkan ka dhagayso.