 |
| Jen. Cadde Muuse |
Madaxwaynaha
Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay in qiyaasatii toboneeyo
Markab iyo shaqaalahoodii lagu haysto xeebaha Puntland. Madaxwayne Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde)
oo u waramayay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka dayriyay taageerada
beesha caalamka iyo waddamada dariska ah, isaga oo sheegay in ay Puntland ka
go’an tahay in ay isku tashato lana dagaallanto burcad-badeedda.
Gen.
Cadde waxa uu sheegay in ay xilligan weerar ku qaadeen burcad-badeed xeebaha
Puntland ku haysta markab laga leeyahay Soomaaliya una rarnaa ganacsato
Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in
weerarkaas uu khasaare ka soo gaaray labada dhinacba iyada oo uu sheegay in
dhinaca xukuumadda uu uga dhintay hal askari, mid kalena uu uga dhaawacmay,
halka dhinaca kalena uu sheegay in ay dileen saddex ka mida burcad-badeedda.
Isaga
oo ka jawaabayay su’aal ahayd in ay wax wada-shaqayn ahi ka dhexayso beesha
caalamka, gaar ahaan kuwa dhaca Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badwaynta
Hindiya ayuu sheegay in ay in badan la xiriireen balse, waxa uu sheegay in ayan
wax jawaab ah ka helin waddamadaas.
Halkan ka dhagayso Waraysiga madaxwayne Jen.
Cadde iyo warbixin uu wariye Cabdulqaadir Nuunoow nooga soo diray howlgalka
ciidamada ammaanka Puntland ku doonayaan in ay ku soo furtaan markabka u raran
ganacsatada Soomaaliyeed iyo halka uu marayo.