Codka Amerika SomaliVOA.com
 Wararka aad ku kalsoon tahay

Qoraal keliya
Search

Zenawi oo Dhaliilay Hogaanka Soomaaliya


13-October-2008
Warbixinta kulanka New York iyo jawaabta Jangali - Soo rogo (MP3) audio clip
Warbixinta kulanka New York iyo jawaabta Jangali - Dhegayso (MP3) audio clip

Meles Zenawi
Meles Zenawi
Ra’iisul Wasaaraha dawladda Itoobiya Meles Zenawi ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya oo uu ku eedeeyey karti-darro iyo inaysan ka go’nayn fulinta mas’uuliyaddooda.

Melse Zenawi waxa uu ku eedeeyey hogaanka Soomaaliya inay ku guul-daraysteen in la tababaro ciidamo soo celiya nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya wakhti dhow ama mid fog.

Waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya loogu diray Soomaaliya si ay u taageeraan ciidamada dowladda, balse aanay ka dhignayn in ciidankiisu ay u afduuban yihiin waxa uu ku tilmaamay “ajendayaasha shakhsiga ah” ee hogaanka Soomalaiya.

Mr. Zenawi waxa uu hadalladan ka sheegay kulan 24-kii Sebtember ka dhacay New York oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha dalka Yugaandha, Yuweri Musaveni, kalaiyaha xoghayaha arrimahada dibada ee dalka Mareeykanka u qaabilsan Afrika Jendaye Frazer, wasiirka arrimaha dibada ee dalka Brundi, Antoinette Batumubwira, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli iyo gudoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping.

Zenawi waxa uu ka digay in aysan suurta-gal ahayn horumar laga gaaro xaaladda murugsan ee Soomaaliya haddii aan, sida uu hadalka u dhigay, isbadal lagu samayn hogaanka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomalaiya Cali Axmed Jengeli oo VOA-da kala hadlay arimaha khuseeya shirka ka dhacay New York iyo hadallada la sheegay inay ka soo yeereen ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayuu ku tilmaamaye kuwo la buunbuuniyey.  Waxa uu sheegay in baddalidda hogaanka Soomaaliya uusan ahayn arin u yaal Itoobiya ee uu yahay mid u yaal hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya.

Ciidamda Itoobiya ayaa Soomaaliya soo galay dhamaadkii sannadkii 2007-dii, markaas oo ay xukuumadda federaakla ku-meel-gaarka ah ka caawisay in ay xukunka ka tuuraan xukunkii Maxaakimta Islaamiga ah ee xilligaa ka talinayay inta babadan koonfurta Soomaaliya.  Tan iyo wixii xilligaa ka dambeeyayna waxaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa xukuumadda federaalka ahba lagala horyimid dagaallo goos-goos ah oo ay wadaan kooxo Islaamiyiin xag-jira kaasoo ay ka dhasheen khasaare aad u baaxad wayn oo isugu jira dhimasho iyo barakac aad u wayn.

Warbixinta khuseeysa shirka New York iyo waraysiga wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya halkan ka dhagayso. 

 

emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Al-Shabaab oo La Dagaallamaysa Burcad-badeedda  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Dhacdooyinka Todobaadka: Siyaasadda iyo Burcad-badeedda
Cawayska Washington: Fankii Miyaa Lagu kula Tagay?  Audio Clip Available
Khilaafka Siyaasiyiinta iyo Kororka Budhcad-badeedda
Dagaal Khasaare Ka Soo Gaaray Al-Shabaab  Audio Clip Available
Nuur Cadde: Shirka Djibouti lama carqaladeyn karo.  Audio Clip Available
Islaamiyiin ku hanjabay inay Kenya weerarayaan  Audio Clip Available
Faarax Sindiko oo Masar ku geeriyooday  Audio Clip Available
Nuur Cadde: Madaxweynuhu xukunka ha iska casilo  Audio Clip Available
Bwakira: Wadahadal ayaan la wadnaa madaxda Soomaalida  Audio Clip Available
Md. Yuusuf: Gacmo Shisheeye ayaa Nagu Dhex Jira  Audio Clip Available
Xaggee Ku Dambeeyay Markabkii Saliidda?
IGAD oo Mowqif Adag Ka Qaadatay Soomaaliya  Audio Clip Available
Aadan Madoobe oo kulan degdeg ah ku baaqay.  Audio Clip Available
Axmed Cabdalla: Isjiid-jiidka siyaasadeed xal ma keenayo.
Markab Sucuudigu leeyahay oo la afduubtay
Xuseen Caydiid: Soomaalida arrimaheeda ha loo daayo  Audio Clip Available
Nuur Cadde oo Shaaciyay Liiska Xukuumaddiisa  Audio Clip Available
Puntland: Musharixiin Qaadacay Wareegto Madaxtooyo  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka: Soomaalida iyo Qurbaha  Audio Clip Available
Md. Yuusuf: Xukuumadi Ma Jirto  Audio Clip Available
Dagaallo Ka Dhacay Degaanka War Ciise ee Jowhar  Audio Clip Available
Martida Makrafoonka: Cabdiraxman Macalln Baadiyoow  Audio Clip Available
Cawayska Washington Iyo Fannaankii Kuluc  Audio Clip Available
Madaxda Federaalka oo Isku Mari la' Dhismaha Xukuumadda  Audio Clip Available
Dhalinyaro lagu qisaasay Baydhaba.  Audio Clip Available
Nuur Cadde: Waan dhamaystiray dhismaha dowladda.  Audio Clip Available
Al-Shabaab oo Marka qabsatay.  Audio Clip Available
Wareysi Qareenka Maxbuuska Soomaaliga ee ku jira Guantanama  Audio Clip Available
Ceel-Waaq oo qax ka bilowday.  Audio Clip Available
Ciidanka Badda Hindiya oo Badbaadiyay Markab Ganacsi