 |
| Afhayeenka Madaxwaynaha Soomaaliya |
Afahyeenka madaxwaynaha dawladda federaalka ku meel-gaarka
ah ee Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud Xuubsireed ayaa sheegay in maxkamadda
sare ay burisay go'aankii uu barlamaanka federaalka Soomaaliya ku hor istaagay
xubno wasiirro ah oo horay shaqadooda isaga casilay in ay xukuumadda dib ugu
soo noqdaan.
Afhayeenka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta
madaxtooyada ee Muqdisho ayaa sheegay in maxkamadda sare go'aanka soo saartay
12-kii Okotoobar, kadib markii ay dib u eegtay qoraalladii arinta khuseeyay ee
ay horay isku waydaarsadeen madaxwaynaha iyo guddoonka sare ee barlamaanka.
Dhowr iyo toban wasiir ayaa xilalkii ay hayeen iska casilay
xilligii uu taagnaa khilaafkii madaxda sare ee federaalka, iyada oo khilaafkaas
lagu soo dhameeyay magaalada Addis Ababa. Qodabadii heshiiska ayaa waxaa ka mid ahaa in
wasiiradii iscasilay ay dib ugu soo noqdaan xukuumadda, haseyeeshee waxaa
arintaa si gaar ah uga horyimid golaha barlamaanka Soomaaliya inkasta oo ay
ansixiyeen dhammaan qodabadii kale ee heshiiska.
Warbixin uu Xasan-Kaafi Qoyse Muqdisho ka soo diray, halkan
ka dhagayso.