 |
| Dowlad-goboleedka Puntland |
Ciidamada
badda Puntland oo ay wehelinayaan kuwa ammaanka ayaa awood millatari kusoo
furtay markab u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed, kaasoo ay dhawaan burcad-badeed
ka qafaasheen xeebaha gobolka Bari ee dowlad-goboleedka Puntland.
Howlgalkan
oo ka dhacay inta u dhexeeysa Bandar-bayla iyo Eyl ayaa sida uu sheegay
wasiirka dekadaha Puntland Dr. Axmed Siciid Aw-Nuur waxaa ku dhaawacmay laba
askari. Wasiirku waxa uu sheegay in shaqaalihii
markabka oo ahaa 11, sagaal ka midana ay ahaayeen ajnabi ay kulligood
bad-qabaan.
Ciidamada
amniga Puntland ayaa weerar ku qaaday burcad-badeedda oo qabsaday markabkan
10-kii bishan iyada oo ay weerarkii hore ku dhinteen saddex qof. Howlgalka ayaa hakad galay kadib markii
odayaal-dhaqameed isku dayeen in ay afduubka markabka si nabad-galyo ah ku soo
dhameeyaan, haseyeeshee lagu guul daraystay.
Waa
markii ugu horaysay ee maamulka Puntland uu awood ciidan kala-hortago howlgallada
burcad-badeedda Soomaalida, kuwaasoo xarumaha ugu waawayn ku leh
dawlad-goboleedka Puntland.
Faahfaahin dheeraad ah ka dhagayso warbxinta Cabdulqaadir Nuunoow
Waraysi
uu siiyay VOA-da ayuu madaxwayne Cadde Muuse ku sheegay in maamulkiisu wax
wada-xaajood ah la galayn burcad-badeedda uuna la dagaallami doono wax kasta oo
ay ugu kacdo. Xilligan qiyaastii 10
markab iyo shaqaalohooda ayaa lagu haystaa xeebaha Soomaaliya.