 |
| Khariidadda Soomaaliland |
Wasiirka arimaha gudaha ee Jamhuuriyadda la magac-baxday
Somaliland Cabdulaahi Ismaaciil Cali Cirro ayaa ka digay in dadka uu ugu yeeray
ajaanibta ee ku nool Soomaliland ayan isku dayin in ay isku diiwaan galiyaan
doorashooyinka soo socda.
Wasiirka
oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargysa ayaa intaa ku
daray in ciddii lagu helo in ay isdaawaan-galisay ay mutaysan doonto xarig
dheer iyo ciqaab kale.
Mar
uu ka hadlayay dadka reer Somaliland ee isku daya in ay is diiwaan-galiyaan mar wax ka badan ayuu
iyaduna sheegay in ay mustaysan doono ciqaab taa lamida.
Isdaawiingalintii cod-bixiyayaasha
doorashooyinka Soomaaliland ayaa bilaabatay 14-kii bisha Oktoobar, iyada oo la
filayo in la qabto doorashooyinka madaxtinimada bisha March ee sannadka
2009-ka.