Codka Amerika SomaliVOA.com
 Wararka aad ku kalsoon tahay

Qoraal keliya
Search

NATO oo Maraakiib u Dirtay Xeebaha Soomaaliya


15-October-2008

Astaanta NATO
Astaanta NATO
Xulafada NATO ayaa sheegtay in todoba ka mid ah maraakiibteeda ay u dirayso Soomaaliya si ay gacan uga gaystaan dagaalka lagula jiro burcad-badeedda isla markaana ay waardiye uga qabtaan maraakiibta ku safraya gobolka dhibaatadu ka taagan tahay.

Hadal ay maantaa oo Arbaca ah soo saartay ayay Xulafdu ku sheegeen in maraakiibta la diray ay ka jawaabayaan codsigii Hay’adda Qaramada Midoobay ee ahaa in la ilaaliyo shixnadaha Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ee gargaarka u sida Soomaaliya.

Hadalkan waxaa lagu sheegay in maraakiibtu ay gudbeen Kanaalka Suways iyaga oo gudan doona waajibka ka saaran la dagaalanka burcad-badeedda iyo in ay booqdaan Waddamada xiriirka la leh NATO.

NATO waxa ay sheegtay in farsamada rasmiga ah ee ay u gudanayso howlaha ka dhanka ah dhaq-dhaqaaqa burcad-badeedda aan wali dhamaystirin.

Dhinaca kalena, urur qaabilsan howlaha maraakiibta ayaa sheegay in markab kale oo ah nooca ganacsiga lagu afduubay xeebaha Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Caalamiga ah ee Howlaha Maraakiibta ayaa sheegay in markab ka diiwaan gashan dalka Filibiin oo ay la socdeen shaqaale gaaraya 21 qof, lagu qabsaday Gacanka Cadmeed maanta oo Arbaca ah, kaasoo isaga gooshayay Bariga Dhexe iyo Aasiya.

Afduubka maanta ayaa ka dhigaya tirada maraakiibta ay weerareen burcad-badeedda Soomaalida 73.  Kow iyo toban ka mida maraakiibtaas waxa hadda loo haystaa madax-furasho, kuwaas oo uu ku jiro markab laga leeyahay Yukraaniya oo sida 33 taangi iyo hub kale oo culus, kaasoo bishii hore la soo qafaashay.  Burcad-badeedda ayaa ku han-jabay in ay qarxin doonaan markabka MV Faina haddii aan la bixin siddeed milyan oo madax-furasho ah.

Soomaaliya ma laha xukuumad dhexe oo shaqayn karta si ay wax uga qabato arimaha burcad-badeedda.  Dallad heer caalami ah oo qaabilsan howlaha maraakiibta ayaa ilaalo ka haysay agagaarka xeebaha Soomaaliya, haseyeeshee, waxba ma ayan qaban.

 

 

emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Al-Shabaab oo La Dagaallamaysa Burcad-badeedda  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Dhacdooyinka Todobaadka: Siyaasadda iyo Burcad-badeedda
Cawayska Washington: Fankii Miyaa Lagu kula Tagay?  Audio Clip Available
Khilaafka Siyaasiyiinta iyo Kororka Budhcad-badeedda
Dagaal Khasaare Ka Soo Gaaray Al-Shabaab  Audio Clip Available
Nuur Cadde: Shirka Djibouti lama carqaladeyn karo.  Audio Clip Available
Islaamiyiin ku hanjabay inay Kenya weerarayaan  Audio Clip Available
Faarax Sindiko oo Masar ku geeriyooday  Audio Clip Available
Nuur Cadde: Madaxweynuhu xukunka ha iska casilo  Audio Clip Available
Bwakira: Wadahadal ayaan la wadnaa madaxda Soomaalida  Audio Clip Available
Md. Yuusuf: Gacmo Shisheeye ayaa Nagu Dhex Jira  Audio Clip Available
Xaggee Ku Dambeeyay Markabkii Saliidda?
IGAD oo Mowqif Adag Ka Qaadatay Soomaaliya  Audio Clip Available
Aadan Madoobe oo kulan degdeg ah ku baaqay.  Audio Clip Available
Axmed Cabdalla: Isjiid-jiidka siyaasadeed xal ma keenayo.
Markab Sucuudigu leeyahay oo la afduubtay
Xuseen Caydiid: Soomaalida arrimaheeda ha loo daayo  Audio Clip Available
Nuur Cadde oo Shaaciyay Liiska Xukuumaddiisa  Audio Clip Available
Puntland: Musharixiin Qaadacay Wareegto Madaxtooyo  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka: Soomaalida iyo Qurbaha  Audio Clip Available
Md. Yuusuf: Xukuumadi Ma Jirto  Audio Clip Available
Dagaallo Ka Dhacay Degaanka War Ciise ee Jowhar  Audio Clip Available
Martida Makrafoonka: Cabdiraxman Macalln Baadiyoow  Audio Clip Available
Cawayska Washington Iyo Fannaankii Kuluc  Audio Clip Available
Madaxda Federaalka oo Isku Mari la' Dhismaha Xukuumadda  Audio Clip Available
Dhalinyaro lagu qisaasay Baydhaba.  Audio Clip Available
Nuur Cadde: Waan dhamaystiray dhismaha dowladda.  Audio Clip Available
Al-Shabaab oo Marka qabsatay.  Audio Clip Available
Wareysi Qareenka Maxbuuska Soomaaliga ee ku jira Guantanama  Audio Clip Available
Ceel-Waaq oo qax ka bilowday.  Audio Clip Available
Ciidanka Badda Hindiya oo Badbaadiyay Markab Ganacsi