Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

Ciidamada Itoobiya
Dad badan Oo Lagu Dilay Dagaallada Soomaaliya  Audio Clip Available
Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay ku dileen 71 ka tirsan dagaalyahannada islaamiyiinta iyo hogaamiyayaashooda, mas'uul sare oo ka tirsan kooxaha dagaallaka wadana waxa uu qiray in khasaare jiro.
BARI2
Nin Soo Arkay Dadka Sanaag Lagu Haysto  Audio Clip Available
Muddo 13 maalmood ah waxaa afduub loogu haystaa gobolka Sanaag dad ajaanib ah oo u dhashay dalka Jarmalka kuwaasoo kooxo burcad-badeed ahi ay ka soo qafaasheen xeebaha Soomaaliya.
Maxamed C Xabeeb
M. Dheere: Howl-galladii Ammaanka Ayaa La Soo Celinayaa  Audio Clip Available
Duqa Muqdisho ayaa mas'uuliyadda dagaallada Muqdisho dusha uga tuuray kooxaha ka soo horjeeda dib-u-heshiisiinta, isaga oo intaa ku daray in xukuumaddu soo celin doonto howl-galladii amniga ee horay loo hakiyay.
Calanka Soomaaliya
Yusuf Oo Ka Hadlay 1-da July Iyo Magaalooyin Laga Xusay  Audio Clip Available
Madaxwaynaha Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf ayaa munaasabadda 1-da July isaga oo ka hadlaya waxa uu cabiray sida midnimada Soomaaliya loo ilaalin karo. Dhanka kalena magaalooyin dhowr ah ayaa laga xusay munaasabaddaas.
Maxkamadda Hague
Qareen Soomaaliyeed Oo Isu Sharaxay Hague  Audio Clip Available
Ururka Midwoga Afrika ayaa lagu soo warramayaa inay taageereen sharci-yaqaan Soomaali ah laguna magacaabo Dr. Cabdilqawi Axmed Yuusuf oo isagu tartamaya inuu garsoore ka noqdo maxkamadda caalamiga ah ee Hague.
Cabdullaahi Yuusuf
Cabdullahi Yusuf: Si Buuxda Ayaan U Taageerayaa Heshiiska  Audio Clip Available
Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomalaiya (DFKS) Md. Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa si buuxda u soo dhaweeyay heshiiskii magaalada Jabuuti ay ku gaareen dhawaan  DFKS iyo mucaaradkeeda hubaysan. 
Cumar Xaashi Aadan
Cumar Xaashi: Magaalada Baladwayne Gumaysigii Waa Uu Ka Baxay  Audio Clip Available
Cumar Xashi Adan oo ka tirsan Isbahaysiga Dib-u-Xoreeynta Soomaaliya, haddana ku sugan magaalada Baladwayne ayaa sheegayin ayan u qorsheeysneen in ay halkaas ka dhisaan wax maamul ah inta dalka laga xoraynayo. 
[insert caption here]
Maxaakimta Oo Qabsaday Magaalooyin Waawayn  Audio Clip Available
Maleeshiyo la aamisan yahay inay daacad u yihiin maxaakimta Islaamiga ah ayaa maanta qabsaday magaalooyinka Beledweyne iyo Xuddur. Wararkii  ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ay wali haystaan Baladwayne balse ay isaga baxeen Xuddur.
Magaalada Kismaayo
Caruur Walaalo Ah Oo Kismaayo Lagu Dilay  Audio Clip Available
Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee ka howl-gala Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareeyay weerar ay xalay koox dablay ah ku qaadeen guri ku yaala magaalada Kismaayo oo ay ku dhinteen laba carruur ah oo wada dhashay.
John Yates
Yates: Waanu Ka Qayb-qaadanaynaa Fulinta Heshiiska  Audio Clip Available
Ergayga gaarka ah ee dawladda Maraykanka uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya John Yates ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka Ku meelgaarka ah Nuur Xasan Xuseen, kulankaasi oo ka dhacay magaalada Nayroobi.
[insert caption here]
Boolis Lagu Laayay Muqdisho  Audio Clip Available
Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay shalay maleeshiyada kooxaha mucaaradka ee ka dagaalamaya magaalada Muqdisho ay ku qaadeen saldhig booliis oo ku yaalla duleedka waqooyi ee magaalada, halkaasi oo lagu dilay toban ruux.
[insert caption here]
Warbixinno Ku Saabsan Xaaladaha Qaxootiga ee Muqdisho Iyo Marka  Audio Clip Available
Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ayaa waxaa ku sugan qaxooti aad u tira badan oo ayan inta badan indhuhu qaban, iyaga oo ay hareeyeen kuwa u qaxay bannaanka magaalada Muqdisho.
[insert caption here]
Boqortooyada Sucuudiga Oo Lagu Xiray Dad Lala Xiriiriyey Al-Qaacida
Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtey in masuuliyiintoodu ay xireen dad tiradoodu gaarayso 701 qof, oo la tuhunsanyahay in ay ku xirn yihiin shabakadda Al-Qacida.
[insert caption here]
Markab La Sii Daayay Madax-furasho Kadib  Audio Clip Available
Mid kamid ah Maraakiib lagu haysatay xeebta degmada Eyl ee maamul goboleedka Puntland ayaa lagu soo warramayaa in la siidaayey, kaddib markii burcad badeedii haysatay la siiyay lacag madax furasho ah oo ka badan hal Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah
[insert caption here]
Doorashada Maraykanka: Khibradda Vs Isbaddalka  Audio Clip Available
Tartanka u dhexeeya musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Barack Obama iyo kan Republican-ka ee John McCain ayaa goor horeba u muuqda mid si cad loogu kala dooranayo Isbaddalka iyo Khibradda
[insert caption here]
Heshiis Dhex Maray Jabuuti iyo Somaliland  Audio Clip Available
Madaxtooyada Jabuuti waxaa maanta hehsiis dhinacyo badan oo amniga iyo dhaqaaluhu ka mid yihiin, ku kala saxiixday dawladda Jabuuti iyo jamhuuriyadda la magacbaxday Somaliland
Nuur Cadde(1)
Nuur Cadde: Afduubka Samafalayaasha Waa Qayb Ka mida Dhibaatada Dalka  Audio Clip Available
Ra'iisul-wasaaraha DFKG Soomaaliya Md. Nuur Xasan Xuseen ayaa sheegay in uu ka xunyahay isla markaana ay xukuumaddu ku dadaali doonto sii daynta shaqaalaha samafalka ee la afduubay.
[insert caption here]
Al-Shabab Oo La Wareegtay Baardheere  Audio Clip Available
Maleeshiyada ururka Al-Shabab ayaa lagu soo warramayaa in ay saaka qabsadeen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo iyada oo ay arintaasi ka hadleen guddoomiyeyaasha Degmada iyo kan Gobalka.
Ismail_O_Geele
Jabuuti: Kulan Dhex Maray Jabuuti Iyo Somaliland  Audio Clip Available
Xarunta madaxtooyada ee magaalada Jabuuti ayey maanta kulan ku yeesheen Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Md. Daahir Rayaale Kaahin oo shalay tagay dalka Jabuuti.
[insert caption here]
UNHCR: Afduubku Wuu Saamayn Doonaa Howlaha Gargaarka  Audio Clip Available
Waxaa dib u dhaca uu ku yimid howlo dhinaca gargaarka ah oo ay ka faa’idaysaneeyn 40 kun oo qof, kadib markii Sabtidii la afduubay nin si wayn loo yaqaano oo ka tirsan xafiiska UNHCR ee Muqdisho.